Maxaa hor tagan dhismaha Golaha degaanka Degmadda Garoowe?.

Published: August 27, 2018

Garowe (HM):- Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa mudo kasocday kulamo & Shirar kusabsan sidii loo xuli lahaa xubnaha kamid noqonaya golaha degaanka degmadda Garoowe,iyadoo xulista xubnaha ay masuuliyadeeda leeyihiin nabadoonadu. kadib ay iska dhex dooran lahayeen Duqa & kuxigeenkiisa.

Golaha deeganka Caasimadda Puntland waa 27 xubnood oo ay ku jiraan gudoomiyaha/Duqa & kuxigeenkiisa oo ay xulista kadib iska dhex doortaan,waxaa xubnaha kamid ah kuraasta haweenka,waxaana jirta in aanay odayasha dhaqanku u dhaga-nuglayn wakiilashada haweenka.

Dibu dhaca xulista xubnaha waxaa uu salka ku hayaa khilaafaad ay kamidyihiin

  • Isqabqabsi ka jira waxgaradka & Nabadoonada qoysaska leh soo xulista xubinta.
  • Siyasadayn & nin tooxsi.
  • Ka dhaga adayga odayasha ee kuraasta Haweenka.

Gudiga khilafaadka ee doorashada golaha degaanka degmadda Garoowe ayaa shaaciyey liiska magacyadda 17 xubnood oo ka mid ah 27 xildhibaan ee degmadda,waxaana wali aan gudiga soo gaarin 10 xubnood.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose & horumarinta reer guuraaga Puntland ayaa soo saartay warqad ay ku cadaynayso xiliga ay dhacayso doorashadda golaha degaanka oo ku beegnayd 25kii bishan Aug,mase dhicin oo waxaa gadaal u dhacay xulista xubnihii la filayey in xiligaa ka hor lasoo gudbiyo.

Wasaaradda arrimaha Guduhu waxaa ay sheegtay in xiligii qorshuhu ahaa ay xulistu kadib dhacday,iyadoo ay jiraan khilafaad ka jira shakhsiyaadka odayashu doonayaan inay u diraan kamid ahaanshaha iyo waxgaradka kale ee beelaha oo doonaya Iyana dhankooda in lasoo diro dad ku haboon golaha degaanka.

Horseed Media.net

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *