Iran oo xirtay tiro kamid ah shaqaalaha dowlada oo dalal Shisheeye u basaasayey!

Published: August 30, 2018

Dowlada Iran ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay qaar kamid ah shaqaalaha dowladaasi oo loo heysto inay si qarsoodi ah ugu shaqeenayeen dalal Shisheeye.

Madaxa sirdoonka Iran Mahmoud Alavi ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in ay xireen tiro kamid ah Shaqaalaha ka shaqeenayey qaar kamid ah laamaha muhiimka ah dowlada Iran, walow uusan sheegin tirada dadkaasi la xiray iyo wadamada la tuhunsan yahay inay u basaasayeen.

Wararka ay shaacinayaan qaar kamid ah warbaahinta dalkaasi ayaa sheegaya in dadka la xiray ay gaarayaan tobaneeyo kamid ah shaqaalaha Wasaaradaha kala duwan ee xukuumada Iran. Waxaana la rumeysan yahay in dadkaasi qaarkood ay heystaan labo dhalasho.

Iran ayey mamnuuc ka tahay in muwaadiniinteeda gaar ahaan kuwa u shaqeeya dowlada ay heystaan labo dhalasho.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Dowlada Iran Ayatollah Ali Khameney, ayaa khudbad uu dhawaan jeediyey ku sheegay in wadamo cadow ku ah Iran ay doonayaan inay basaasiin ku dhex yeeshaan laamaha muhiimka ah ee dowlada Iran, hadalkan oo uu kusoo beegay xili ay Iran diirada saareyso hanjabaada uga imaaneysa Maraykanka & Israel.

Dhinaca kale sirdoonka Iran ayaa sheegay inay cagta mariyeen koox ka tirsan Daacish oo dalkeeda abaabul ka waday. ISIS ayaa ka danbeysay weerarkii ka dhacay caasimada Tehran bishii June ee sanadkii hore 2017, weerarkaasi oo lagu qaaday Baarlamaanka iyo Qabuuraha uu ku duugan yahay Hogaamiyihii hore Khumeynii ayey ku dhinteen ugu yaraan 18 qof.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *