Dalka Mauritius oo dacwad ka dhan ah Gumeystihii Ingiriiska u gudbiyey Maxkamada Caalamiga

Published: September 4, 2018

Dowlada Mauritius ayaa Isniintii shalay Maxkamada Caalamiga ah ee The Hague geysay dacwad ay dooneyso inay dib ugu hesho jasiiradaha Chagos oo uu ka boobay Gumeystihii Ingiriiska.

Dacwada dalka Mauritius ayaa lagu qeexay in Gumeystihii Ingiriiska ee dalkaasi heystay uu sanadkii 1965 ku khasbay shacabka Mauritius inay kusoo wareejiyaan jasiiradaha Chagos ee ku yaal badweynta hindiya, hadii ay doonayaan Xoriyadooda.

Heshiiskaasi ayey dowlada Mauritius ku tilmaamtay mid sharci daro ah oo lagu khasbay dhankooda, isla markaana ay doonayaan in Maxkamada Caalamiga ah laalsho sheegashada Ingiriiska uu hada sheeganayo jasiiradahaasi.

Mid kamid ah jasiiradaha la isku heysto ayaa waxa hada ku yaal Saldhig weyn oo uu leeyahay Militariga Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *