Somalia oo ka qeyb galaysa shirka 23-aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha dunida

Published: September 11, 2018

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa ka Warbixiyay Qodobada looga hadlayo Shirka 23aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka uu kaga qeyb galayo Dalka Koonfur Africa.

“Shirkan waxaa looga hadlayaa Madax banaanida dacwad oogayaasha, qodobo badan ayaa lagu soo bandhigayaa oo ay ka mid yihiin isku xernaanta caalamka iyo wada shaqeyntooda, sidii Dalalka ay iskaga kaashan laheyn Baaritaanada iyo sida Shacabka looga ilaalin lahaa in Xad gudubyo joogta ah lagu sameeyo”.ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Sidoo kale Dr.Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in si gaara loo soo dhaweeyay Soomaliya oo markii ugu horeeysey xubin ka noqotey Ururka Caalamiga ee Xeer ilaaliyayaasha Aduunka, isagoona xusay in Fursad wanaagsan ay u tahay Soomaaliya.

“Soomaaliya si weyn ayaa loogu soo dhaweeyay inay ka mid noqoto ururka Caalamiga ee Xeer ilaaliyayaasha Aduunka, Qodobada shirka looga hadlayo dhamaan waa muhiim laakiin waxaan si gaara u dul istaageynaa kuwa Soomaaliya sida gaarka ah u quseeya maadaama dalka uu mudo badan burbur ku jiray, iyadoo hada aan dooneyno dhamaan Hay`addaha Dowlada inay wada shaqeyn wanaagsan la yeeshaan saaxiibada Caalamka”.

Shirka Dalladda Xeer Ilaaliyeyaasha Aduunka waxaa kumidoobay illaa 185 Dal, sidoo kale 350,000 oo Xeerilaaliye ayaa xubin ka ah.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *