Ra’iisul wasaare Kheyre”Lama joogo xiligii ajnabi na dhexdhexaadin lahaa

Published: September 17, 2018

Ra`iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inaan marnaba la aqbali karin in magaalada Muqdisho la yiraahdo laguma shiri karo oo ma ahan magaalo amni ah.

Mudane Khayre oo xalay magaalada Muqdisho uga qaybgalay munaasabad looga hadlayay barnaamijka Isxilqaan ayaa yiri “Waxaan marnaba la soo dhawayn karin in la yiraahdo magaalo madaxda dalka laguma shiri karo oo amni ma ahan, ma garanayno cidda loogu danaynayo, laakiin waxaan rabaa inaan xusuusiyo cid walba oo sidaas tiri inay Muqdisho tahay Astaanta Qaranka Soomaaliyeed, iyo magaalo ay wada dhisteen dhammaan shacabka Soomaaliyeed”.

Ra`iisalwasaare Khayre ayaa sidoo kale tilmaamay in laga gudbay xilligii arimaha Soomaalida dhexdeeda loogu wici jiray shisheeye inay xaliyaan, islamarkaana aysan ogolaan karin madaxda dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Sidoo kale ma soo dhawaynayno ha na soo kala dhexgalo garab Saddexaad oo ajnabi ah, waa dhaqankii aan horey u soo baranay, waala soo dhaafay xilligaas, xaalada dowladnimada ay ku sugan tahay maanta waxa ay mareysaa in shacabka Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan inay dareemaan dib u soo laabashada sharaftooda”.

mudane Khayre ayaa wuxuu kaloo xusay kuwa doonaya in dalka loo gacan geliyo shisheeye inay yihiin kuwa dhabar jabinaya guusha wayn ee u soo hooyatay qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in dowladda ay hadda ku hawlan tahay inay heshiisiiso dalalka gobolka, dibna loo laaban maayo haddii Alle idmo

Shacbiga Soomaaliyeed Qaybihiisa kala duwan ayaa soo bandhigay dareen diidmo ah oo kaga soo horjeedaan in gacmo shisheeye ay soo garagaliyaan xallinta arimaha u gaarka Soomaaliya, taasi oo ah Xilli laga soo gudbay oo aan marnaba dib loogu laaban doonin Insha- Allah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *