Shirkii uu ku baaqay MD Farmaajo oo dib u dhac uu ku yimid

Published: September 17, 2018

Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid shirkii uu dhawaan ku baaqay madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaasoo lagu waday in a isugu yimaadan madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Shirkan oo la iclaamiyay in uu furmo 17-bishan Semtemper oo maanta ku beegan ayaan muuqan saan saan uu ku furmo iyadoona ilaa iyo hada aysan wax war ah kasoo saarin qabsoomidiisa iyo baaqashadiisa madaxda dowlada dhexe .

Golaha ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada ayaa dhawaan war qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay cabasho kaga muujiyeen ka qeybgalka shirka iyagoona ka deyriyay xaalada amni ee magaalada Muqdisho gaar ahaan halka uu ka qabsoomayo shirka.

Sidoo kale Golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa qoraalka ay soo saareen waxa ay ku dalbadeen in la helo daraf sadexaad oo dhexdhexaadiya iyaga iyo madaxda dowlada dhexe ee federaalka taasoo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shalay khudbad ka jeedinayay aqalka dowlada Hoose ee Xamar ayaa si cad uga horyimid dalabka madaxda maamul goboleedyada ee ah in gacan sadexaad oo shirka ka qeyb gasha la helo isagoona intaa ku daray in dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed aysan raali ka ahayn in gacmo shisheeye ay ku dhex jiraan shirarka looga hadlayo aayaha umadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga halka uu ku biyo shuban doono khilaafka cakiran ee xiligan ka dhex aloosan madaxda dowlad dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada maadama qabsoomida shirkii uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya aan meelna lagu sheegi karin xiligan.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *