Golaha Wasiirada oo ansixisay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Axdiga Qaramada Midoobay

Published: September 20, 2018

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku ogolaadeen in dowladda Soomaaliya ay ka mid noqoto Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Aadan Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in shirka oo uu guddoominayay Ra`iisul wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta Qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ku dadaalaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu helo xuquuqda uu xaqa u leeyahay ayaa qorshaynaysa in ay qayb ka noqoto dadaallada loogu jiro in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan xuquuqdooda.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *