Shaqo joojin lagu sameeyay xoghayihii wasaarada Batroolka Somalia

Published: September 24, 2018

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowlada federaalka Soomaaliya Cabdi Rashiid Maxamed Axmed ayaa Shaqadii looga joojiyey Xoghayahii Joogtada ee Wasaarada Batroolka iyo macdanta..

Jamaal Qaasim Mursal oo ah xoghayaha shaqada laga joojiyay ayaa shaqo joojintiisa lagu sababeeyay in ay timid kadib eedeymo ay kamid yihiin gudbin siro dowladeed oo lagu helay masuulkan.

Si gaar ah Xoghaye Jamaal Qaasim ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay hanaanka shaqo iyo hab maamulka wasaaradda isla markaana uu shakhsiyaad kale oo aan wasaarada kamid ahayn uu u gudbiyay Siraha Wasaaradda sidaaasna shaqadii looga joojiyay.

Wareegtada shaqada looga joojiyay masuulkan ayaa kasoo baxday xafiiska wasaarada Batroolka iyo macdanta waxa ayna kuna taariikheysanayd 22-ka Bishaan oo ah sabtidii aynu kasoo gudubnay

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *