Taliyihii boliiska gobolka Nugaal oo xilka laga qaaday

Published: September 24, 2018

Madaxweynaha Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka boliiska gobolka Nugaal G/sare Faarax Galangooli kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka cusub ee taliyaha boliiska gobolka Nugaal u magacaabay Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse

Hadaba hoos ka akhriso wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa

Madaxweynaha Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu atahay 24 Sep 2018 waxaa uu magacaabay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal Xilkiina ka qaaday Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal.

Wareegto Madaxweyne Lr.12 Sep 22, 2018, kuna saabsan Magacaabid Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal iyo xil ka qaadis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Ku: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland
Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntlnd
Og: Duqa Degmadda Garoowe
Og: Madaxweyne ku xigeenka

Ujeedo: Magacaabid Taliayaha Xasilinta Gobolka Nugaal

Waxaa dhammaan mas’uuliyiinta ay warqadani tooska iyo ogaysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in madaxa la dagaalanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal waxaana sidoo kale laga qaaday xilkii taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Galangooli waxaana xilkaas si ku meel gaara ah usii haynaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmaed Muuse,

Sidaa daraadeed waxaa dhammaan lafarayaa hay`adaha Dowladda in ay si buuxda ula shaqeeyaan ugana danbeeyaan dhammaan arrimaha amniga Gogobolka Nugaal Taliyaha xasilinta.

Sidoo kale waxaa taliyaha hawshaan loo igmaday la farayaa in uu gacan bira ku qabto amniga gobolka gaar ahaan caasimadda kna nadiifiyo kooxaha buracadaa ee dhibaatada ku haya bulshada deegaanka.

Fulin wacan

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Madaxweynaha Puntland

-DHAMMAAD-

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *