Dawlada oo furtay wadada Xeebta ee isku xirta Marka iyo Muqdisho

Published: September 25, 2018

Jen. Odawaa Yuusuf Raage abaanduulaha ciidamada xooga sooomaaliya oo la hadlayay warbaahinta ciidanka xooga soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dib u fureen wadada xeebta ee isku xirta muqdisho iyo Marka.

Odawaa waxa uu sheegay in Shabaab ay dhibaatooyin badan ka gaysan jireen wadadaas balse hadda ay xaliyeen kana shaqayn doonaan sidii amniga wadadaas loo sugi lahaa.

Ciidamada dawlada ayaa dagaal kula wareergay deegaano kala duwan oo ka tirsan Shabeelada Hoose oo ay kamid yihiin Gendershe, Dhanaane, Jilib iyo deegaano kale.

Taliska Militariga ayaa sheegay in ciidamadu ay khasaare xoogan gaarsiiyeen kooxda Alshabaab oo weli ku sugan inta badan gobalka Shabeelada Hoose iyo deegaano kale oo ku dhaw caasimada oo la sheegay inay kasoo qorsheeyaan weerarada ay kooxdaasi ka geysato magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *