Dowlada oo shaaca ka qaaday in ay la wareegtay 24 iskuul oo ku yaala Muqdisho

Published: September 27, 2018

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa munaasabad ku saabsan Ololaha dib usoo nooleynta waxbarashadda dadweynaha waxa uu ka sheegay in wasaaradda ay ku guuleystay in ay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, islamarkana maanta wixii ka dambeeya wasaaradda ay qaadeyso masuuliyadooda.

Wasiirka Goodax Barre ayaa tilmaamay in marna aan la iloobi doonin doorkii dalladaha waxbarashada ay ka soo qaateen intii lagu guda jiray bur burka horumarinta waxbarashada.

“Maanta waxaan ku guuleysanay inaan la soo wareegno 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, maanta wixii ka dambeeya, waxaa masuuliyadooda qaadeysa wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Goodax.Iskuullada maanta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegtay ayaa kala ah Gaashaanle, 11 janaayo, Bartamaha, Wiil waal, Bartanaha, Kaaraan, Godey, Cabdi casiis, , Yaasiin cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud mire, Hanti wadaag, Howlawadaag, Xasan khaliidi, Cali xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed waayeel, Ex aqoon darsed, 21 November, 20 December, Agoonta wiilasha kaaran, iyo Macalin jaamac ,kuwaasoo dhamaantood kamid ah iskuulaadka ay horey gacanta ugu hayaan dad gaar ah balse ay dowladu la wareegtay masuuliyadooda.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdulahi Farmaajo oo munaasabada ay dowlada federaalka kusoo bandhigaysay in ay la wareegtay 24-ka iskuul ayaa sheegay in dawladda uu hogaamiyo ay ahmiyada koowaad siineyso horumarinta dhanka waxbarashada oo uu tilmaamay in Soomaaliya ay sanadaha soo socdo kula tartamayso dalalka asaageed ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *