Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Magaalada Garowe Lagu Soo Dhaweeyay

Published: September 29, 2018

Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo isbuucyadii ugu danbeeyay safaro shaqo ku marayey Gobolada Karkaar, Sanaag iyo Barri oo saaka kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri oo uu isbuucii ugu danbeeyay ku sugnaa ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey qaar kamaida Goloha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Garowe ee caasumadda Puntland maamulka Degmada Garoowe iyo kan Goblka Nugaal, qaarkamida goloyaasha dowladda Putland, Saraakiisha ciidanka, ganacsato iyo dad wayne aad u farabadan oo lulayey calanka Puntalnd.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland oo ka warbixiyey intii uu ku sugnaa gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Baran ayaa waxaa uu sheegay in uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida cuqaasha , dhalinyarada, ardayda, sidoo kale madaxweynuha ayaa xariga ka jaray mashaariico horumarineed ee ay Dowladdu halkaas ka fulisay gobolkaasi.

Madaxweynaha Puntland oo safarkiisa kusoo gabo gabeeyay gobolka Barri gaar ahaan magaaada Bosaso ayaa waxaa uu kulamo kula qaatay maamulka gobolka, kan degmada iyo guddiyada amniga gobolka oo uu kala hadlay xaalada amniga gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka iyo kan degmadaba oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Mahad ilaah baa iska leh inaan ku soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe anoo safar qaatay in kabadan 10 berri ku soo qaatay gobolada Kar-kaar, Sanaag iyo Bari, safarkaasi wuxuu ahaa safar aan ugu kuur galayay xaaladaha goboladaas dhan amni ,dhan dhaqaale iyo dhan hormarineed intaba, waxaanu maalin joognay magaaladda Qardho oo aanu u kuur galnay mashaariic ka socotay oo uu kamid ahaa isbitaalka Qardho, ka bacdina waxaan safar ku aadnay gobolka Sanaag oo aanu sii marnay Tuulooyin badan oo gobolka katirsan iyo ugu danbayntii magaaladda Baran oo aanu ka daahfurnay Jaamacadda Maakhir iyo mashaariic kale, waxaan soo aragnay dad reer Puntland ah oo aan quluubtoodu meelkale jirin guul buuna safarkaasi noogu soodhamaaday.” Ayuu yiri Madxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbeyn Madxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay u tageen magaaladda Bosaso ee gobolka Bari si ay ugu kuur galaan xaaladda guud ee gobolka iyo in maadaama gobolku yahay halbawlihii dhaqaalaha Puntland in xaaladdiisa lala socdo.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *