Xisbi la magac baxay Midowga Nabada iyo dimuqraadiyada oo Muqdisho looga dhawaaqay

Published: September 30, 2018

Waxaa si horhdac ah loogu dhawaaqay xisbi cusub oo la magac baxay Midowga Nabada iyo dimuqraadiyada (UPD), kaas oo uu hoggaamiye u noqon doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Astaanta iyo halku dhigga xisbigan oo la shaaciyay sida aan wararka ku helayno ayaa waxaa ku midoobaya Xisbiyo uu kamid yahay Daljir, PDP iyo Kutlada Horusocod kuwaasoo kamid ah xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ka jira.

Xubnaha ugu firfircoon ee Xisbigan cusub ayaa la sheegayaa in ay qeyb ka yihiin xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana maalmaha soo socda gaar ahaan khamiista inagu soo aadan la filayaa in munaasabad weyn oo lagu shaacinayo Xisbiga ay ka dhacdo doonto magaalada Muqdisho.

Kulan ay magaalada Muqdisho shalay ku yeesheen xubnaha Xisbiga Daljir oo kamid ah axsaapta siyaasada dalka ayaa lagu shaaciyay in si rasmi ah ay ugu biirayeenmidowga Xisbiga Nabada iyo Dimuqraadiyada,waxaana shirar ka socday gudaha dalka iyo dibadiisa lagu heshiiyay in hal xisbi ay ku midoobaan Xubno siyaasiyiinta iyo Xildhibaano mucaaradka ah.

Xisbigan la magac baxay midowga Nabada iyo Dimuqraadiyada ayaa ku biiraya axsaapta siyaasadeed ee xiligan dalka ka jira,waxaana xusid mudan in xisbigan uu ka miisaan cuslaan doono axsaapta kale marka loo eego siyaasiyiinta hogaaminaya iyo tirada xildhibaanada ku jira oo uu qeyb ka yahay xildhibaan sharafeed Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee dalka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *