Gudigga Amniga Gobolka Bari oo amray in aan la qaban karin shir aysan dawladu ka war hayn.

Published: October 5, 2019

War qoraal ah oo dhawaan la baahiyaya ayay Gudigga Amniga Gobolka Bari ku amreen in aan la qaban karin wax shir ah oo aan ogolaansho looga haysan gudigga, hoteelada ku yaala Magaalada Boosaaso ayaana la faray in ay fuliyaan amarkaas, sidoo kale gudiggu waxay amreen in dhamaan xafladaha iyo aroosyada qabsoomidooda ka hor 24 saac lagu soo wargeliyo gudigga Amniga Gobolka Bari.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari


Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Bari Axmed Cali Cabdulaahi Cirro oo faahfaahinaya warqada ay soo saareen gudiiggu ayaa Yiri ÔÇ£ Tobankii Qof Ee Meel Iskugu imaanaysa Boosaaso Waa In Ay nasoo Ogaysiiyaan, Xittaa kuwaa Is aroosaya Ama Is mehersanaya, Si Dowladdu Oga warqabto Amnigooda ÔÇØ


Amarka gudigaan ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Magaalada Boosaaso ay shirar kala duwan ku qabteen beelaha ku dhaqan Gobolka Bari kuwaas oo ay uga soo horjeedeen heshiis ay dawladu la gashay shirkad laga leeyahay Dalka Imaaraatka taas oo dayactir ku samaynaysa garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *