Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay Gudigga Farsamada Maamul u dhisidda Galmudug.

Published: October 9, 2019

Axmed Geelle Ducaale Xaaf Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Galmudug ayaa soo dhoweeyay magacaabidda Gudiga farsamo ee Maamul dhisida Dowlad goboleedka Galmudug. Xaaf waxa uu sheegay in ay qayb ka ahaayeen dhismaha gudiggaan, waxa uuna faray in ay hawlahooda u gutaan si hufnaan iyo cadaalad ay ku dheehan tahay.


Madaxweynaha Xilkiisu sii dhamanaayo ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa horay uga soo horjeestay Hanaanka dawlada Federaalaka ah ee Soomaaliya ay u wado Dhismaha Galmudug loo midaysanatahay iyo qabashada doorashada Galmudug.


Guddigaan oo ay haatan soo magacowday wasaaradda arrimaha gudaha, ayuu horey madaxweyne Xaaf in dowladdu soo dhisto, Madaxweynaha ayaana loo ogolaaday in uu tallo ku darsado arrimaha doorashada Galmudug.


Horseed Meda, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *