Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo Kismaayo Gaaray.

Published: October 12, 2019

Aadan Barre Ducaale Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya iyo wafti hogaaminayo ayaa goorwayd ka deggay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo, Waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo madax ka tirsan dawlad goboleedka Jubaland.

Aadan Barre waftigiisa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan baarlamaanka kenya ee laga soo doorto waqooyi Barri, waxayna Kismaayo ku yimaadeen diyaarad khaas ah oo kasoo qaaday Nairobi.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan la ogayn in ay fasaxday duulimaadkaan iyo in kale, waxaana jirtay in dhawaan ay DFS hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha hawadda ay u gudbisay dacwad la xiriirta in Kenya ay ku xadgudubtay hawadeeda.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *