Trump oo ku adkeystay go’aankiisii Siiriya

Published: October 13, 2019
FILE PHOTO: U.S. President Donald Trump waves prior to departing on a trip to Wisconsin from the White House in Washington, U.S., October 24, 2018. REUTERS/Cathal McNaughton/File Photo – RC1C71EBBBD0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo cambaareyn xoogleh maalmihii lasoo dhaafay kala kulmayey xildhibaanada labada xisbi ee Maraykanka ayaa sheegay inuu ku sax-sanaa goÔÇÖaankii uu qaatay in ciidamadooda kala baxaan dalka Siiriya.

Wax yar kadib goÔÇÖaankii todobaadkii hore uu ku dhawaaqay Trump ayey ciidamada militariga Turkiga bilaabeen hawlgalo militari oo ay kula dagaalamayaan xoogaga Kurdida Siiriya oo horey gacan uga heli jiray Militariga Maraykanka.

GoÔÇÖaanka Trump ayaa waxaa si adag u cambaareeyey saraakiisha militariga Maraykanka iyo waliba xildhibaanada xisbiyada Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa xisbi xaakimka iyo xulafadii Donald Trump.

Trump oo qiray in hada uu goÔÇÖ aankaasi kaligiis  taageersan yahay ayaa ku dooday in Maraykanka uusan kusii jiri karin dagaalada aan dhamaadka lahayn ee Bariga Dhexe, wuxuuna sheegay in ay mudan tahay in ciidamadooda ay dib ugala baxaan dhulkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu qorsheeyey lacag deeq ah oo gaareysa 50 milyan oo loogu talo galay qaxootiga reer Siiriya oo ay ku jiraan kuwa heysta diinta Kirishtaanka iyo dadka laga tiro badan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *