Marka – Askar ka tirsan ciidamada DFS oo doon la degtay

Published: October 21, 2019
Xeebaha Soomaaliya

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dooni ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa 14 October ay dagatay.

Doonida ayaa ka baxday dekadda Muqdisho, waxayna ku wajahneyd magaaladda Marka, halkaas ay ku sugan yihiin ciidmadda 14-October.

In ka badan 5 askari ayaa nolol iyo geeri lagu la’ yahay halka Taliyihii ururka ciidanka 14 Oktoobar ee degmada Marka Xidigle Cismaan Muuse iyo 12 askari la soo badbaadiyey.

Sidoo kale waxaa isna soo badbaaday naaquudihii doonta.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay arintan, waxayna sheegeen in Labo askari, 18 qori oo AK 47 iyo 2 PKM iyo doontiiba la waayey balse ay weli ay raadinayaan askarta maqan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *