Weriye Tallman oo saaka maxkamada la horkeenayo.

Published: October 21, 2019

Weriye Axmed Sheikh Maxamed Tallman Agaasimihii hore ee Radio Daljir ayaa saaka la horkeenayaa Maxkamada Gobolka Nugaal, Weriyaha oo dhawaan la xiray ayaa la sheegay in loo haysto dacwado la xiriir Kiis ay horay u baahiyeen oo la xiriira dil ay ciidamada taliyaha booliska Puntland Muxyadiin Gacamey u gaysteen Qof shacab ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sheegay in Guddiga gacanta ku hayay baarista kiiska weriyaha ay sheegeen in lasoo gaba-gabeeyay waxayna dalbadeen in weriyaha lasoo xiro. Weriye Tallman ayaa horay u sheegay in lagu soo rogay xanibaad xagga socdaalka ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *