Abiy Ahmed oo magacaabay Xoghaya Ururka IGAD.

Published: October 24, 2019
Workneh Gebeyehu Xogahaya cusub ee IGAD.

Abiy Ahmed Raisal-Wasaaraha Dalka Ethopia ayaa digreeto kasoo baxday xafiiskiisa waxa uu xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD u magacaabay Workneh Gebeyehu oo horay usoo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiirka gaadiidka Dalka Ethopia , Mr Gebeyehu ayaa xubin ka ahaa xisbiga Oromada iyo weliba xisbiga EPRDF.

Talaabadaan ayaa ka dhigan in Gudoomiyaha Ururka IGAD uu noqon doona Dalka Keyna, Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay iyaddu u danaynaysay in ay noqoto xoghayaha Ururka IGAD.

Horaanta bishii aan soo dhaafnay Magaalada Adis-ababa ee Caasimada Dalka Ethopia waxaa ka dhacay shirwayne ay isugu yimaadeen madaxda wadamada ku midaysan Urur Goboleedka IGAD.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *