Xuseen Macalin “Shabab Waxay Bilaabeen Inay Dowladeeyaan Maamulkoda”

Published: October 25, 2019
Xuseen Macalin

La taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay bilaabeen iney dowladeeyaan nidaamkooda.

Waxa uu sheegay in awaamiirta ay soo saaraan ay ka dhaqan gashay magaaladda Muqdisho, iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

“Al-Shabaab dad waa dili jireen, weeraro waa geysan jireen, balse haatan waxay bilaabeen qaabkii dowladeynta oo oo ay gaarsiiyeen meel kasta oo dalka ka mid ah, labo arrimood ayay xoojiyeen oo dowladnimada aas aas u ah, sida canshuurta dowlada qaado oo kale, xukunka iyo cadaalada,qof socda ayaa u tagaya nin Ganacsade ah wuxuu leeyahay anigoo xubin Shabaab ah, lacag ayaa laga rabaa, halkii shalay taleefan la isku soo diri jiray, hada waxaa timid toos, waana joogista muuqata ee Al-Shabaab”

Xuseen Macalin.

” Qof socda ayaa u tagaya nin Ganacsade ah wuxuu leeyahay anigoo xubin Shabaab ah, lacag ayaa laga rabaa, halkii shalay taleefan la isku soo diri jiray, hada waxaa timid toos, waana joogista muuqata ee Al-Shabaab “

Xuseen Macalin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan laheyn awood Al-shabaab  ugu diidaan canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay wargeyska Washington Post, ayaa si cad u sheegay  Soomaaliya ay xaalad cabsi leh ay ku jirto, taasina ay keentay in Shabaab ay awood ku yeeshaan magaaladda Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *