Soomaaliya” Burburinay gaadiid waday qaraxyo lala damacsanaa Muqdisho”

Published: October 29, 2019

War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidammada difaaca  Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay duqeyn ku bur-buriyeen gaari ama baabuur ay Al-shabaab ku soo diyaariyeen qaraxyo ay la damacsanaayeen caasimadda Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan hey’adaha amniga ayaa xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday xaafado ku yaalla degmooyinka Saakoow iyo Bu’aale oo oo Al Shabaab Maamulaan.

“Duqeynta ayaa sidoo kale lagu burburiyey laba xarumood mid qaraxyada lagu farsameynayey iyo xarun Ciidamada Al-shabaab lagu tababari jiray”

ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa sido kale sheegtay in lagu garaacay 7 gantaal degmada Bu’aalle lana arkayey holaca ay sideen gantaallada oo bartilmaameed gaar ah lahaa.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo looga hadlayo duqeynta ka dhacday magaalooyin ay ka maamulaan gobalada dalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *