Madaxweye Deni Oo Ballanqaadyo u Sameeyay Bulshada Haylaan

Published: October 31, 2019

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo oo safar ku tegay degmada Dhahar ee gobolka Hayland ee Puntland ayaa soo dhaweyne ballaaran oo la soo sameeyay kadib wuxuu la kulmay odoyasha Dhaqanka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee degmadda.

Madaxweynaha oo la hadlayay boqolaal dadweyne ah wuxuu ballanqaaday in xukuumadda uu hoggaamiyo ay mashaariic horumarineed ka samayn doonto magaaladda Dhahar.xaruntii Wasaarada maaliyadda iyo Bangiga dowladda

Mashaariicda uu madaxweynuhu ballanqaaday waxaa ka mid ah Suuq ganacsi oo weyn oo laga dhisi doono Magaaladda Dhahar, sidoo kale wuxuu ballanqaaday in xarumaha wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dowlada laga dhisi doono magaaladda Dhahar.

Wuxuu kale ballanqaaday in mashaariic kale oo ay ka sugayaan hay’adaha caalamiga ah ay ka fulin doonaan magaalada Dhahar.

Dhinaca kale, Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay Odoyaasha dhaqanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi, waxayna Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan la wadaageen Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobolka, horumarada socda iyo baahiyaha ka jira deegaanka , iyagoo aad uga mahadceliyey socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka iyo shaqooyinka illaa hada Gobolka ay Dowladdu ka qabatay.

dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu la kulmay qaar ka mid ah dhalinyarada degmada oo madaxweynaha la wadaagay xaaladda dhallinyarada ee deegaanka, qorsheyaasha ay hiigsanayaan iyo baahiyaha jira ee uga xiran dhinaca Dowladda.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey dhallinyarada soo dhoweyntii iyo in ay la wadaagaan xaaladda ay ku suganyihiin, wuxuu Madaxweynuhu u sheegay in Dowladdu ay muhiimad siiso arrimaha dhallinyarada iyagana ay qeyb ka yihiin dhallintaasi. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku dhiirigeliyey ka shaqeynta Midnimada, Nabada iyo horumarka.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa Isla galabta dib ugu soo laabtay Magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *