Guri-ceel – Israsaasayn dhexmartay ciidamada DFS iyo Ahlusuna.

Published: November 3, 2019
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya

Xaaladda degmadda Guri-ceel ee gobolka Galgaduud ayaa saakay dagan, kadib markii xalay israsaaseyn ay ku dhexmartay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna Waljameeca.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, israsaaseynta ayaa timid kadib markii gaari lagala baxsaday Saldhiga Degmadda Guri-ceel oo gacanta ay ku hayeen ciidamadda Ahlusuna Waljameeca.

Ciidamadda Ahlusuna Waljameeca oo ernayay gaariga lala baxsaday ayaa israsaaseyn kala kulmay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Ma jirto wax khasaare ah oo illaa hadda la og yahay oo ka dhashay israsaaseynta xalay ka dhacday degmadda Guri-ceel ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan Guri-ceel ayaa sheegay in ciidamada Ahlusunna la qarameeyay oo aysan jiri karin ciidan gooni u taaggan oo Ahlsunna hoostaga, haddii taasi ay dhacdana ay tahay in dowladda Soomaaliya ay dowladda kale ka hoos jirta taasina aysan aqbaleyn.

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan si buuxda ula wareegay degmooyinka Guri-ceel iyo Matabaan oo ay gacanta ku hayeen ciidamadda Ahlusuna Waljameeca.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *