Dowladda Soomaaliya oo dhowaan bixineysa shatiyo shidaal

Published: November 6, 2019
Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in bisha soo socota ee December ay ku dhawaaqi doonto bixinta shatigii ugu horeeyay ee ku saabsan sahminta shidaalka iyo gaaska ee xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Reuters in bisha December dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku soo bandhigayso shatiga shidaalka.

Waxa uu sheegay in qorshaha uu yahay Soomaaliya inay soo jiidato, islamarkaana fursad fiican ay u hesho soo bandhigida khayraadka ku jira.

Sahankii dhowaan laga sameeyay 15 xirmo ayuu sheegay Wasiirku in uu ku jiro shidaal qiimahiisu gaaraya 30 Bilyan oo fuusto, kaas oo fursado shaqo u noqon doona dhallinyarada, gacanna ka geysan karta in da’ yartu aysan ku biirin kooxaha burcad badeedda.

Wuxuu sheegay in goobaha laga helay xirmooyinka ay ka fog yihiin halka ay ku muransan yihiin Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, lagana nadiifiyay kooxahii burcad badeedda ahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *