Dowladda Ethiopia oo wafdi wasiiro ah u soo diraysa Soomaaliya [ Xog ]

Published: November 9, 2019

Il-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Todobaadkan ay magaalada Muqdisho soo gaari doonaan wafdi heer wasiiro ah oo ka socda dowladda dalka Ethiopia.

Ku dhawaad 8 Wasiir oo ka socota dowladda Ethiopia ayaa dalka Soomaaliya u imaandoona, ka shaqaynt fulinta iyo dardar-gelinta waxyaabihii labada dal ku heshiiyeen sanadkii hore, kaddib booqashadii uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed.

Socdaalkii bishii June ee sanadkii 2018 uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo qeyb ka yahay is dhexgal labada bulsho.

Qodobka 7-aad ee heshiiska labada dal oo ahaa kan ugu culus oo muran ka dhex-dhaliyay bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ahaa in 4 dekadood ay maalgashato Ethiopia iyo dhismaha laami isku xira Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxay kulamo la qaadan doonan wafdiga wasiirada ka socda dowladda Ethiopia dhiggooda Soomaaliya, iyagoo ka wada shaqayn doona fulinta iyo xoojin heshiiskii ay wada saxiixdeen Labada dal.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *