Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo maanta dhacaysa.

Published: November 14, 2019

Waxaa saaka xarunta Golaha Wakiilada Dawlada Puntland lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Puntland, Gudigga Doorashada ayaa shalay sheegay in saddex musharax ay ku tartamayaa xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland dhamaantoodna ay buuxiyeen shuruudaha musharaxiinta looga baahnaa, Cabdixakiin Dhooba-darood gudoomiyihii hore ayaa 7dii bishaan waxaa mooshin ay ka keeneen 45 looga qaaday xilkii uu hayay.

Bidix: Xildhibaan Cali Dhahar, Cabdirashiid Yuusuf, Cabdi Jamaal

Kursigga Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku tartamaya 3 Musharax oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdijamaal Maxamed Cusmaan iyo Cali Axmed Saalax.

Xildhibaan Cabdi jamaal waxaa uu xilal kasoo qabtay xukuumadihii hore waxaa uuna soo noqday wasiir ku xigeenka amniga xukuumadii Faroole iyo wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadii Cabdiweli Cali Gaas sidoo kale bilawgii sanadkaan ayuu u tartamay kursiggaan iyadoo uu kaga guuleystay gudoomiyihii hore Dhooba-daarood.

Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrill waxaa uu siyaasadda soo galay xiligii ololaha doorashada Madaxweyne Cabdiwali Gaas waxaa uu ahaa agaasimihii warfaafinta Madaxtooyada Puntland, waxa uuna golaha kusoo biiray bilawgii sanadkaan.

Xildhibaan Cali dhahar waxaa uu baarlamaanka shaqaynayey mudo ka badan 10 sano waxaa uu soo noqday xoghayaha guud ee Baarlamaanka Puntland.

Horseed Media. 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *