Agaasime ka tirsan maamulka Banaadir oo la qabtay isagoo is-qarxin raba!

Published: November 16, 2019
Cumar Maxamed Maxamuud

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in intii uu xilka guddoomiyaha gobolka hayay ciidamada sirdoonka ay gacanta ku dhigeen gaasime ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo is-qarxin damacsanaa.

Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Africa la hadlayay ayaa sheegay in qaraxii gobolka Banaadir ee uu ku dhintay duqii hore, guddoomiyayaal degmo iyo 7 agaasime uu fuliyay agaasime ka tirsanaa gobolka Banaadir.

Iyada oo feejignaantaas lagu jirana gacanta lagu dhigay agaasime uusan magaciisa iyo shaqadiisa sheegin oo isna damacsanaa is qarxin kale.

Cumar Finish ayaa sheegay in agaasimaha la xiray uu qirtay in uu damacsanaa in uu is qarxiyo hay’adaha amaankana ay gacanta ku hayaan.

Arrinta xirnaanshaha waddooyinka gobolka Banaadir oo wax laga weydiiyay waxaa uu ku jawaabay in xirnaanshaha waddooyinka aysan rabitaankiisa ku xirneyn ee ay ku xiranyihiin rabitaanka madaxda sare ee dalka.

Waxaa uu sheegay in madaxda ay hal heys ka dhigteen “intii la dhamaan lahaa halla dhibtoodo” taas oo ay kala jeedaan in jidadku xirnaadaan inta qaraxyo lagu dhamaan lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *