Cabdiqaasim Salaad “Madaxweyne hore inuu sidaas u hadlo ma haboona”

Published: November 17, 2019
Cabdiqaasim Salaad Xassan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay hadaladda mudooyinkii dambe kasoo yeerayay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif, kuwaasi oo loogu hanjabey madaxda haatan dalka ka talisa.

Cabdiqaasim oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu rajeynayo in kala aragti duwanaanshaha meesha laga saaro, islamarkaana gacmaha la isqabsado.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in lala shaqeeyo qof walba oo loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“ Madaxweyne hore oo xilka ka degay inuu sidaa u hadlo ma haboona oo u dhaarto dowladda waxaas ku sameynayaa yiraahdo, haddii dowladda qalad gasho Baarlamaan ayaa jooga, iyaga laga rabaa inay la xisaabtamaan ”

ayuu yiri Cabdiqaasir Salaad Xasan.

Madaxweynihii hore ee Dowladii kumeelgaarka ahayd Shariif Axmed ayaa mar uu ku sugnaa Beledweyne ugu hanjabey in ay bixinayaan oo la dagalaamayaan Dowladda Farmaajo haddii aysan wax ka beddelen dhaqanka kelitalisnimada ah.

HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *