Xisbiyada Soomaalida iyo Cafarta oo ku biiray xisbiga haya talada Ethiopia

Published: November 17, 2019

Xisbiyada maamula Gobollada Soomaalida iyo Cafarta Ethiopia ayaa ku biiray xisbiga talada dalka haya ee EPRDF.

Codeyn xisbiga uu ku qabtay Adis-Ababa ayaa waxaa u codeeyay 30 xubnood oo ka id ah 36-da xubnood ee golaha fulinta xisbiga EPRDF.

Lix xubnood ayaa diiday isku biirista xisbiga talada haya iyo axsaabta ka jirta dowlad goboleedyada Ethiopia, waxaana xisbiga hadda ka mid noqday axsaab horay isbaheysi ula ahayd oo ka kala socda Sagaalka dowlad goboleed ee dalka Ethiopia.

Ismaamulka gobolka Tigreega ayaa arrintan aad u diidanaa walina ma kala cadda in lagu qanciyay iyo in ay go’aanno cusub ka soo saari doonaan.

Xisbiga EPRDF ee uu hoggaamiya dowladda Federaalka Ethiopia ayaa isu diyaarinaya in dalka Itoobiya uu ka qabto doorasho sanadka 2020ka sida uu horay u ballanqaaday Ra’isalwasaaraha Ethiopia Abiye Axmed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *