Gollaha Wasiiradda Puntland oo Ansixiyay Odoroska Miisaaniyada 2020-ka

Published: November 18, 2019

Shirka Golaha Wasiirada oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa lagu ansixiyey odoroska Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020 taasi oo dhan dhan Saddex boqol , afartan iyo lix Milyan ($346,416,158.99)

Shirka gollaha wasiiradda oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta wasaaradda maaliyadda ee Garoowe, waxaana sidoo kale looga hadlay xaaladaha amni Puntland iyo arrimo kale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo si kooban uga hadlay muhiimada Miisaaniyadda iyo waxa ay uga duwan tahay miisaaniyadihii hore, wuxuuna tilmaamay in miisaaniyadan lagu saleeyey baahiyaha asaasiga ah iyo sida ay u kala mudan yihiin iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad dibadeed oo la heli karo.

Odoroska miisaaniyadda ee sanadkan 2020ka oo lagu daray lacagaha deeqda ah ee la filayo in Punland ka hesho beesha caalamka iyo hay’adaha ka howlgala Somaliya ayaa la filayaa inuu la horgayn doono gollaha wakiiladda Puntland oo weli aan ansixin xisaabxirkii miisaaniyadii 2019ka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *