Kulankii Farmaajo, Shariif iyo Xassan Sheekh Maxaa ka soo baxay -DAAWO

Published: November 20, 2019
Sawirka Doorashadii 2017

Kulan saacado badan qaatey ayaa maanta oo Arbaca ah dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo labadii Madaxweyne ee ka horeeyey ee hogaamiya madasha Xisbiyada Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka kadib waxaa saxaafadda la hadley Madaxweynihii xilka ku wareejiyey Farmaajo, Xassan Sheekh Maxamuud waxaana uu ka hadley qodobadii ay kawada hadleen Madaxweyne Farmaajo.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay aad ugu dheeraadeen qodobka doorashada soo socota 2020, waxaana isla qaadaney ayuu yiri in doorashadu xiligii loogu tala galay ay dhacdo, wax muddo kororsi la yiraahdo aysan jiri karin, doorashadaasna ay saameyso dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee doorashada ku fadhiya kuraasta. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa caddeeyey in aysan isku raacin qaabka doorashadu noqoneyso oo taas noqon doonto mid dib looga wada hadlo oo ay noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.

Hoggaamiyaasha Madasha iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kawada hadley khilaafaadka iyo muranka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaana la isla qaatey in degdeg loo xaliyo khilaafkaas.

Amniga ayuu sheegay Madaxweyne Xassan in aad looga wada hadley, waxaana la isla qaatey ayuu yiri in aan Amniga la siyaasadeyn, ciidanka amnigana siyaasadda laga fogeeyo oo aan loo isticmaalin arrimo siyaasadeed, sidoo kale waxaa la isla qaatey in la ilaaliyo dastuurtka oo dowladdu ilaaliso siyaasiyiinta mucaaradka ahna ay ilaaliyaan.

Dhanka Dowladda wax war ah weli kama soo bixin, lama oga in Farmaajo dhankiisa shir saxaafadeed qaban doono, waxaa la is weydiinayaa haddii dowladdu war saxaafadeed ku soo saari weydo kulankan weyn, macnaha uu yeelan karo iyo kalsoonida lagu qabi karo natiijada shirka saacadaha qaatey.

Kulankan ayaa daba socdey kadib markii Dowladda Farmaajo culeys saartey madaxweynayaashii hore sida safaro ay ku tegi lahaayeen Kismaayo iyo Beledweyne oo la carqaladeeyey. Kadib waxaa labada Madaxweyne ee hore bilaabeen in ay si caro leh uga jawaabaan waxaana ay maamulka Madaxweyne Farmaajo ku tilmaameen mid isu bedalay keligii-talis.

Horeed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *