Masjid Loogu Magac Daray Mid Ka Mid ah Suldaamadii Cismaaniyiinta oo Jabuuti Laga Dhisay

Published: November 26, 2019

Hay’ada turkiga u qaabilsan arrimaha diinta ee TDV ayaa caasimadda Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti ka dhistay Masjid halkii mar ay ku tukan karaa 6000kun oo qof, kaasi loo loogu magac daray Cabdulxamiid 2 oo ah ka mid ah suldaamadii boqortoyadii Cusmaaniyiinta.

Masjidkan oo loo dhisay, looguna naqshadeeyay qaabka Turkidu u dhisaan masaajidada ayaa dhismihiisa la bilaabay 4 sanno ka hor ayaa maalmaha soo socda xariga laga jari doonaa, waxaana uu ku fadhiyaa dhul balaciisu dhan yahay 13,000 square mitir.

Madaxweynaha turkiga Rajab dayib Erdogan ayaa ballanqaaday dhismaha masjidkan markii booqasho ku tegay dalkaasi Jabuuti sanadkii 2015kii. Masjidkan ayaa la dhisay goob u dhow xarunta madaxtooyada ee Dalkaasi Jabuuti, halkaasi oo la filayo inuu aadaanka saalad ka maqli karo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Furitaanka Masjidka waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil cumar Geele iyo Afhayeenka barlamaanka Turkiga Mustafa Sentop.

HORSEEDMEDIA



Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *