Beesha Caalamka Oo Ku Boorisay DF Iyo MG inay ka Wadahadalaan Doorashada 2020ka

Published: November 28, 2019

War-saxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Ururada iyo wadamada taageera Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyadu in ay yeeshaan wadahadalo siyaasadeed oo lagu gaari karo doorasho xor ah oo hal cod iyo hal qof ah 2020ka.

Maraykanka, Midowga yurub, midowga afrika iyo Qaramada Midoobay waxay soo dhaweeyeen wadahadaladii dhawaan magaaladda Muqdisho ku dhexmaray madaxweynaha Somaliya, madaxweynayashii hore iyo 50 Urur siyaasadeed oo. ka diwaangashan magaaladda Muqdisho

Beesha Caalamku waxay dhiirigalinayaa wadahadalo dhexmara dowladda federaalka iyo Maamul goboleedka si ay suurtagasho in Somaliya ay ka dhacdo Doorasho nabad ah, xor iyo cadaalada ah la iskuna halayn karo. nabad ah uga dhacdo doorashooyin 2020kaDaneenayaasha Soomaaliya waxay dhiirrigeliyeen wada shaqayn buuxda oo dhex marta dowlad federalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, si loo gaaro doorashooyin qof iyo cod ah oo ku dhaca si nabad ah, xor ah, caddaalad ah, hufan oo la isku halleyn karo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *