Dawlada Kenya oo hirgelisay Heshiiskii dhex-maray iyadda iyo DFS.

Published: November 28, 2019

Wasaarada arrimaha dibbada dowlada Kenya ayaa War qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ay si rasmi ah u dhaqan gelisay heshiiskii ay madaxda labada dal ku gaareen magaalada Nairobi 14kii November ee sanadkaan. Sida lagu sheegay qoraalkan waxaa ay dowlada Kenya bilowday inay joojiso duulimaadyadii sida tooska ah ugaga soo baxay magaalada Muqdisho inay soo maraan magaalada Wajeer iyo in sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya.

Kenya waxa shaacisay in si rasmi ah ay ugga go’antahay dhaqan-gelinta heshiiska Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya, Dhawaan ayay DFS sheegtay in diyaaradaha Muqdisho ka baxa ay si toos ah uga degeen Magaalada Nairobi.

Warsaxafadeedka Wasaarada Arimaha Dibadda Kenya.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *