Siyaasad Ku Khaysbaysa Madaxda Sare kenya Inay Isku Daaweeyaan Cusbitaalada Dowladda

Published: November 29, 2019

Barlamaanka Kenya ayaa la filayaa inay ka doodeen soo siyaasad ay soo jeediyeen Guddi dowladdu samaysay labo sanno ah kuwasoo ku taliyay inuu Madaxweynaha, wasiiradda, Xildhibaanada iyo madaxda sare ee Kenay ay isticmaalaan cusbitaaladda dowladda, islamarkaana caruurtooda u diraan iskuuladda dowladda.

Guddigan isku xirka bulshada ee BBI oo kooban 14 qof ayaa soo jeediyeen in si ay madaxdu u dhadhamiyaan, una ogaadaan xaalada Adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ee dadkooda uga masuulka yihiin inay iyaga laftigoodu isku daaweeyaan, islamarkaana caruurtooda u diraan Iskuulada dadweynaha

Senatorka laga soo doorto Gaarisa ee Yusuf Xaaji ayaa soo dhaweeyay in madaxdu adeegsadaan Cusbitaaladda dowladda

Haddii la ansixiyo Siyaasadan waxaa madaxda sare ee Kenyan laga mamnuuci doonaa inay adeegsadaan Cusbitaalada iyo iskoolada gaarka loo leeyahay. Boqolaal Milyan oo lacagta Kenya ayaa sanadka dowladdu ku bixisaa adeegyada khaaska ah la siiyo madaxda sare iyo qoysaskooda.

Cusbitaaladda dowladda Kenya ayaa waxaa ku yar qalabka casriga ah, gaar ahaan kuwa cudurka Kansarka lagula tacaalo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *