Maleeshiyaad Ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Lagu Dilay Gobolka Ged

Published: December 1, 2019

Dagaal ka dhacay agagaarka degmada Baardheere ee gobolka Gado ee Jubbaland ayaa Ciidanka milateriga Federaalku waxay dileen Lix xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab sida lagu daabacay Wakaalada Wararka federaalka ee SONNA

Mohamed Ali Abdullahi, oo ah Taliyaha Ciidanka Federaalka ee Baardheere ayaa sheegay in ay iyagu weerar ku qaadeen halka ay ku sugnaayeen Al-Shabaab markii ay xog ka heleen Dadka degaanka.

“Dadka degaanka ayaa noo sheegay in Argagixisadu ay ku qasbaan in ay bixiyaan canshuur xoog ah, ciidankeenuna waa ay weerareen, iska hor imaad ka dib waannu ka racdeynay haklii ay Shacabka ku dhibaateynayeen, waxaanan halkaasi kaga dilnay Lix ,”ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka xoogga ay halkaasi kaga gubeen Kooxda Al-Shabaab Laba Gaari oo nooga dagaalka ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *