Published: December 8, 2019
Prof. Jawaari

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ka hadlay wararka la xiriira suurta galnimada in Baarlamaankan 10-aad ay sameystaan mudo kororsi marka uu waqtigooda dhamaado.

Mr. Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka uu sii shaqeynayo inta laga helayo midkii bedeli lahaa, isagoo carabka ku balaariyay ineysan taasi ka dhigneyn iney tahay mudo kordhin ay sameysanayaan hay’ada Sharci dejinta ee Baarlamaanka.

“Baarlamaankan wuu fadhinayaa ilaa Baarlamaanka kale uu yimaado, hadii doorasho ay dhici weyso wuu joogayaa, mudo kororsi maaha, wuxuu diidayaa inuu firaaq dhoco, firaaq haduu dhoco wareer ayaa dhacaya, micneheeda waxaa waaye doorasho ma dhicin Baarlamaankan wuu fadhinayaa”

ayuu yiri Xildhibaan Jawaari.

Waxa uu dhinaca kale tilmaamay iney jiraan qodobo kamid ah dastuurka oo ay Baarlamaankii hore ee 9-aad ku soo dareen sharciyada lagu hago dalka, kuwaasna ay yihiin kuwa diidaya inuu firaaq dhoco oo Baarlamaankan iska kala tago iyadoon la heyn kii 11-aad ee bedeli lahaa.

Halkan ka daawo.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/597778740975838/

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *