Barlamaanka oo Xubintii Kala Laabtay xildhibaan Dhoob-Daareed

Published: December 10, 2019

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta la hor keenay mooshiin xubinimada lagaga qaadayo guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed)

Mooshinka waxaa ku saxiixay y 38 mudane, kuwaaso Xildhibaan Dhoobo-Daareed ku soo eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka Dowladda Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag 39 mudane xasaanaddii uga qaadeen Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) halka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uu ka aamusay.

Xildhibaanada Barlamaanka Puntland ayaa 7 bishii Novemer xilka ka qaaday Xildhibaan Dhoobo, ka dib markii 6 November ciidamo booliis ah ay weerareen xarunta barlamaanka Puntland oo ay ku dhinteen 3 qof oo uu ku jiray nin ganacsade ah.

Xildhibaan C/xakiim Dhoobo oo hadda ku sugan dalka Ethiopia, muddo bil ka badana ku sugnaa gobolka Sanaag ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshinkii xilka guddoomiyaha looga qaaday, wuxuuna sheegay inuu weli yahay guddoomiyaha sharciga ee barlamaanka Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *