MAC-HADKA SIDRA OO GAROOWE KU QABTAY KULAN KU SAABSAN DHIIRRI-GELINTA GANACSIGA HAWEENKA

Published: December 12, 2019

Mac-hadka Horumarinta iyo Cilmi-baarista Soomaaliyeed ee SIDRA oo kaashanaya hay’adda ADRA ayaa magaalada Garoowe ku qabtay, Kulan ku saabsan dhiirri-gelinta Fursadaha ay haystaan Haweenka Ganacsatada ah iyo Xallinta Caqabadaha ay Haweenkaasi kala kulmaan Horumarinta Ganacsigooda.

Kulanka waxaa lagu casumay Haweenka Ganacsatada ah iyo  Aqoon-yahannada Wax ka barta Jaamacadaha Waddanka, si ay uga doodaan habka lagu hormarin karo Ganacsiga Haweenka iyo Sida lagu xallin karo Caqabadaha Haweenka Ganacsatada ah ka haystan Kobcinta Ganacsigooda.

Madaxa Mashaariicda Mac-hadka Cilmi-baarista SIDRA, Cabdiraxmaan Xassan Yuusuf oo ugu horrayntii si faahfaahsan uga warbixiyay kulanka, ayaa sheegay in kulanka lagu casumay Haweenka Ganacsatada ah iyo Aqoon-yahannada, si loo falanqeeyo Fursadaha Ganacsiga Haweenka iyo Xal u helidda Caqabadaha ka haysta Hormarinta Ganacsiga.

“ Ujeedka aan u qabanney kulanka, wuxuu ahaa in  bulshada qeybteeda Aqoonta leh iyo Dumarka Ganacsatada ah aan u soo bandhigno waaqiciga dhabta ah ee ka jira Ganacsiga Haweenka, haddii ay Fursad tahay iyo haddii ay Caqabad tahay iyo sidii loo xallin lahaa Caqabadaha jira Fursadahana looga faa’idaysan lahaa”  ayuu yiri Cabdiraxmaan yuusuf.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Puntland, Cabdisamad Maxamuud Maxamed oo Kulanka daah-furay, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalinta ugu muhiimsan kaga jiraan Nolosha Bulshada, sidaasi darteedna ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo Hormarinta Ganacsigooda.

“ Dumarku markii ay dowladdii Soomaaliya burburtay waxay kaalinta ugu muhiimsan ka qaateen Nolosha Bulshada, gaar ahaanna korinta Carruurta, waxay u baahan yihiin in Caqabadahooda la ogaado,  Fursadaha Ganacsi oo ay haystaan la ogaado, si loo hormariyo” ayuu yiri Agaasimaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *