Raysal-Wasaare Khayre oo Dalka Qatar u safray.

Published: December 13, 2019

Xasan Cali Khayre Raysal wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qayb gelayo madasha Sanadlaha ah ee Dooxa.

Madasha Dooxa ayaa waxaa ka qeyb gelaya madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna waxaa looga hadli doona ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga waxa uuna soconayaa Deseembar 14-15, 2019.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *