Madaxweyne Deni oo sheegay Inuu Furanayo Urur Siyaasadeed [DAAWO]

Published: December 14, 2019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa sheegay inuu furanayo urur siyaasadeed ay qayb ka yihiin dhammaan gollaha xukuumadiisa

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in magacaabista Guddigan xilli hore iyo daah-furka qorshe-hawleedkooda ay ka turjumeyso sida ay Dowladda Puntland uga go’antahay hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland.

Arrimaha Doorashada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ka hadlay, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal

Guddiga doorashada ee TPEC oo uu soo magacaabay madaxweyne deni waxaa ay soo bandhigeen jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland, iyagoo sheegay in15 december ay bilaabanayso diiwaangalinta ururada Siyaasada ee Puntland, diiwaangalintaas oo soconaysaa ilaa bisha March ee 2020

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *