Raysal-Wasaare Khayre oo ka qaybgalay furitaanka Madasha Doha.

Published: December 14, 2019

Xasan Cali Khayre Raysal-Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay gaaray Magaalada Doha ee Xarunta Dalka Qatar ayaa ka qaybgalay furitaanka Madasha Doha ee Dalka taas oo ay ka qaybgalayaan Madax kala duwan oo ka kala timi wadamo kala duwan.

Madasha ayaa waxaa daahfuray Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, waxa uu ka sheekeeyay ahmiyadda madashaan ay leedahay, sidoo kale dalka waxa uu kusoo dhaweeyay Madaxda lagu marti qaaday.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *