Dagaal dhexmaray Al Shabaab iyo ciidamada DFS

Published: December 16, 2019

Wararka ka imaanaya deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab khasaare xooggan la gaarsiiyay, kadib marki ay isku dayeen in weerar gaadmo ah ay ku soo qaadaan fariisimo ciidamadu ay ku lahaayeen duleedka deegaanka.

Cabdiraxmaan Macallin Maxamed oo ka mid ah maamulka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyaadki soo weeraray, isagoo intaa ku daray in ay dileen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa hore iskugu dayay in ay soo weeraraan deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada hoose, iyagoo khasaare xooggan kala kulmay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *