Ethiopia oo Hawada Sare u Dirtay Dayax Gacmeed

Published: December 20, 2019

Maanta oo jimce ah dowladda Itoobiya ayaa markii u horraysay taariikhda waxay hawada sare u dirtay gantaal xambaarsan dayac gacmeed dhinaca Sataliteka ah.

Dayax-gacmeedkan oo laga ganay saldhig ku yaal Shiinaha waxaa farsameeyay Ingineero u kala dhashay shiinaha iyo Itoobiya. 7 Milyan oo dollar oo lacagta ku baxday samaynta dayax gacmeedka waxaa bixisay dowladda Shiinaha sida uu sheegay Agaasimaha hay’adda Tiknoolijiyada iyo hawada sare ee Itoobiya Solomon Bely

Ra’isul wasaare Ku-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen iyo Saraakiil sare sare ayaa goobjoog ka ahaa markii la ganayay gantaalka Siday dayax gacmeedka.

Dayac-gacmeedkan waxaa Itoobiya u adeegsan doontaa sadaalinta cimilada , biyaha, dhinaca beeraha iyo ka hortega masiibooyinka dabiiciga ah

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *