Cumar Cabdirashiid oo Ka Hadlay Ujeedka Safarkiisa Puntland-DAAWO

Published: December 21, 2019

Ra’isul Wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maanta soo gaaray magaaladda Garoowe ayaa sheegay in ujeedka safarkiisu uu la xiriiro doorashada 2020.

Cumar Cabdirashiid oo labo jeer soo noqday ra’isul Wasaare waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir ku soo dhaweyay qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland.

Wuxuu sheegay inuu Garoowe uu yimid labo arrimod oo kala aha Kulamo uu la yeelanayo xukuumadda iyo barlamaanka Puntland iyo Kulamo uu la qaadan doono bulshada uu yahaya xildhibaan

” dalku wuxuu galayaa doorasho, sharcigii doorashadu wuxuu horyaal barlamaanka Federaalka, markaa halkan waxaan u imid in arrimahaas kala tashano barlamaanka iyo xukuumada” ayuu yiri cumar cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Federaalka ayaa Dalka ka maqnaa 3 sanno ee la soo dhaafay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *