Hay'ad La Talin siinaysa Raga Tacadiyada Kala Kulma Xasaskooda

Published: December 22, 2019

Hay’ada maxali ah oo u dooda xuquuqda raga ayaa boorisay raga inaysan qarsan tacayadiyada ay u haweenka ay qabaanu u gaystaan xiliga ay joogaan guryaha.

Hay’adan oo lagu magacaabo Vomec ayaa laga diwaangaliyay waadanka Kenaya, waxayna raga ka caawinaysaa in ay la talin siiso sii loo yareeyo arrimaha ay mid yihiin furiinka, tacadiyada ka dhaca guryana, dilka iyo dhibaatooyin kale ee qoysaska soo wajaha

Madaxa hay’adan oo lagu magacaabo James Njenga  waxaa uu sheegay baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 10kii rag ah 3 kaliya ay ka hadlaan tacadiyada ay haweenkoodu gaystaan. wuxuu sheegay in ragu inta badan ay qarsadaan dhibaatooyinka ay haweenkoodu ku hayaan taasi oo sababta in mararka qaarkood ay isdilaan

” Haweenku marka ay tacadiyo kala kulmaan ragooda waxay u aadaan Booliiska ama dadka ehelka u ah, waxaana ragaasi lagu xukumaa xabsiyo tacadiyada ay haweenkooda u gaystaan laakiin ragu waa ka baqaan inay ka hadlaan” ayuu yiri James Njenga

Hay’adan ayaa noqonaysaa tii u horraysay ee adeegyo la talin siisa raga haweenka ay qabaan kala kulma tacadiyada gaarhaan gacan ka hadalka iyo Qaylada joogtada ah

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *