Taliska Militariga Baardheere oo shaaciyay guluf ka dhana Shabaab

Published: December 28, 2019

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay dagaal ururka Al Shabaab looga xoreynaayo deegaanada gobolka Gedo.

Saraakiisha ayaa waxay sheegeen inaanay iminka oo keliya diyaar u ahayn inay weeraraan Shabaabka, balse ay xilli kasta wadadeeda ku taagan yihiin.

Korneyl Cismaan Sheekh Cabdi, Abaanduulaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo warbaahinta ka soo muuqday ayaa iclaamiyay hawlgalka Shabaab-ka looga xoreynaayo gobolkaasi.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka lagu amray inay ku dhaqaaqaan deegaanada hoos-tagga degmada Baardheere, ee ay Shababaku maamulaan.

Qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan, oo ku wajahan dhulka uu ka arrimiyo Shabaabka hubeysan, ee dagaalka kula jira Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *