Somaliland oo ka hadashay arday la rasaaseeyay

Published: December 30, 2019

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa ka hadlay Saddex arday oo uu sheegay in lagu dhaawacay deegaanka Middi-gale oo ka tirsan magaalada Badhan.

Ardayda dhaawacantay ayaa waxaa ay kamid ahaayeen dad dhigayey banaanbax ay uga soo horjeedaan Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku wajahnaa magaaladaas, waxaana rasaas ku furey ilaalada guddoomiyaha.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ardayda  oo midkood dhaawaciisu uu yahay mid  culus ay dhaawaceen dad aan Somaliland aheyn, isla markaana dhaawacyada ardayda loo qaaday isbitaallada magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo.

Wasiirka ma sheegin dadka dhaawacay ardayda iyo sababta loo dhaawacay, hayeeshee uu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan arrintaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *