Kheyre oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay dadajinta dhismaha maamulka Galmudug

Published: January 1, 2020

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan wadashiya oo la xiriira dedejinta dhismaha maamulka Galmudug la qaatay qaar kamida Odayaasha dhaqan.

Ra’iisulwasaaraha iyo Odayaasha dhaqan ayaa ka arinsaday, dadajinta dhismaha maamulka Galmudug loo dhanyahay, waxaana kulanka ku wehlinaayay sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo xildhibaano ka tirsan labada golle ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Warsaxafadeed xafiiska ra’isul wasaaruhu ka soo saareen kulankaasi ayaa lagu sheegay in Odayaasha iyo Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa isku afgarteen dhamaanba qodobadii ay isla soo qaadeen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *